
Xidig Academy oo la daahfuray Hoyga Aqoonta
Waxaa la daahfuray Websiteka Xidigacademy!
Xidig Academy waxay ka mid tahay urur hooseedyadda hoos imaaadda dallada ururadda Xidig organisation. taas oo hadafkeedu yahay sidii uu kaalinta dhallinyarda Soomaaliyeed kor ugu qaadi lahaayeen.
XidigAcademy waa Hoyga Aqoonta ee Online-ka oo lagu barto qaybaha kala duuwan ee cilmiga u kala baxo, ayadoo ay bixinaayaan khubaro bulshada aqoontoodda u riyaaqday.
SABABTA LOO AAS-AASAY
XidigAcademy waxay utaagan tahay sidii ay u dabooli laheyd, baahida u qabto dhallinyaradda barashadda aqoonta noocyadeyda kala duuwan, ayagoo kala socon karaan meel kasta ay joogaan, markasta iyo xawaaraha ku haboon.
Websiteka XidigAcademy waxaa si rasmi ah loo furay 01 Dec 2019. Waxaana uu la socday fikradaha Xidig organisation oo ahaa in la helo meel eey dhallinyaradda soomaaliyeed si fudud wax oogu barran karaan iyo casharo ay bixinayaan khubaradda soomaaliyeed taas oo dhaxal ahaan loogu reebo dhallinyaradda.